Ciidamo Gadoodsan oo Qabsaday Kontaroolka Magaalada Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Kontarool weyn ee laga galo magaalada Gaalkacyo, iyagoo ka cabanaaya xuquuq ka maqan..

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada oo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ka cabanaya mushaar la,aan heysatay muddo bilooyin ah, Kontaroolka ay Ciidamadu qabsadeen ayaa ah mid uu yaalo kastamka canshuuraha ee ugu weyn Gobolka, iyadoo sidoo kale lagu baaro Dadka iyo Gaadiidka galaya ama ka baxaya Gaalkacyo.

Ciidamadaan ayaa hakad geliyay Isu-socodka Gaadiidka ee magaalada Gaalkacyo, waxeyna ay ku amreen Wadadayaasha Gaadiidka xamuulka qaada in ay iska dhigaan, aysana wax gaadiid ah oo sida xamuul galeyn kana baxeyn Gaalkacyo.

254000cookie-checkCiidamo Gadoodsan oo Qabsaday Kontaroolka Magaalada Gaalkacyo