Share the post "Xafiisyada Interpol, Afripol & Dowlado oo Iska Kaashaday Howlgalo ka Dhan ah Kooxaha Argagixisada…"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgalo Caalami ah ay iska kaashadeen Xafiisyada Interpol iyo Afripol, iyagoo gacan ka helaaya Dowlado ay Somalia ka mid tahay ayaa horseeday in la gacanta lagu soo dhigo tiro badan oo kooxo Argagixiso looga shakisan yahay, Hub culus iyo Saanad…
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in Eedeysanayaasha la soo qabtay oo tiradoodu dhan tahay 37-Xubnood ayna ka mid yihiin Horjoogayaal looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish, Shabaabka, iyo dhowr dagaalyahan oo shisheeye ah, howlgalkaan ayaa muhiimadiisu ahayd in lasoo xiro Kooxaha argagexisada iyo kuwa la shaqeeya.
Xuuraano ayaa xaqiijinaaya in Saraakiisha Amaanka ee Somalia laga soo xigtay in Eedeysanayaashani ay ka mid yihiin 3-Horjooge oo ay ku jirto Haweeney loogana shakisan yahay inay Khabiiro ku yihiin Farsameynta walxaha iyo bambooyinka qarxa, Haweeneydaan ayaa ka tirsaneyd qaybta Amniyaatka kooxda Shabaabka, taasoo dhigi jirtay walxaha qarxa ee guryaha lagu sameeyo, iyadoo bartilmaameedsanaysay Ciidamada Amaanka.
Howlgalkaan ayaa la fuliyay labadii bilood ee ugu dambeeyay ee sanadkii 2024kii, Xarigga dadka ayaa ka kala dhacay siddeed dal oo ku yaalla Bariga Afrika intii lagu guda jiray howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen booliska caalamiga ah INTERPOL iyo booliska Afrika ee AFRIPOL.