Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Puntland & Maleeshiyaadka Shababka

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaasi ee Gobolka Bari ayaa sheegaya Dagaal u dhexeeya Maleeshiyaad daacad u ah kooxda argagixisada Shabaabka iyo Ciidamada Puntland ayaa ka socda degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Malayshiyaadka Kooxda Shababka ay saakay aroortii hore weerartay degaanka Af-urur halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada difaaca Puntland.

Weerarkaan ayaa ku bilowday hoobiyaal lagu garaacay saldhiga kaasoo Ciidamadu kaga jawaabeen hubka culus sida ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan Khaasare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka labada dhinac inkastoo aan weli xog sugan laga helin.

177870cookie-checkDagaal ka dhex qarxay Ciidamada Puntland & Maleeshiyaadka Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com