Xaqiiqda Dhabta ah ee Ku Gedaaman Dhalinyarada Ethiopia ee Safarada Tahriibka ee Dhimashada Xambaarsan..

Africa News Security

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysan in Qulqulka Qaxootiga Ethiopia ee Si mara Dalalka Djibouti, Eritrea, Somalia iyo Yemen ay kordheen Sanadihii ugu dambeeya, Iyadoo Haraaga Lafaha ayaa daadsan dhulka saxaraha ah, una dhow xeebaha, waxaana weheliya dhar jeexjeexan, warqad lacag ah iyo aqoonsiyo oo cadceeddu Dhalan rogtay, waa haraaga kaliya ee nin dhalinyaro ah oo Ethiopian ah oo wax walba u biimeeyay fursad uu nolol wanaagsan ka helaan Dalka Sacuudiga…

Warbixintaan ayaa lagu shaaciyay in Dhalinyarada u dhalatay Dalka Ethiopia ayaa dalka uga cararaya Amaan darro baahsan, Dagaalo Sokeeye, Gaajo, Shaqo la’aan iyo nolosha oo hooseysa heer aad u daran, in ka badan 96,670 Tahriibayaal Ethiopian ah ayaa gaaray xeebaha Dalka Yemen Sanadihii ugu dambeeyay tiradaan oo ka dhigryswy i ey kirdheen 34%, waxaa ku dhintay tiro kor u dhaafeysa 1,400 oo tahriibayaal Ethiopian ah kuuwaasoo Badda liqday kadib safar halis ah oo ay ku doonayeen in ay ku gaaraan Dalka Yemen.

Barta dhexe ee inta badan safarka Tahriibayaashs waa Degaanka Obock ee Dalka Djibuoti, oo ku dhow meesha ugu Ciriirisan Gacanka Cadmeed, marinka loo yaqaan Bab al-Mandab, ama Albaabka ilmada, sababtoo ah marinka halista ah, Markay jirto 20 mayl (32km) balac ah, waxay qiyaas ahaan u ballacan tahay sida marinka Dover, Doomaha yar yar ayaa ka gudbi kara marinkan mashquulka badan ee maraakiibta, ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, muddo saacad ku dhow.

Waxaa kaloo jira in Duleedka magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ay Joogaan Dulaaliin u dhaxeeya Kooxaha Tahriibka iyo Naaquudayaasha iska leh Doomaha kuwaasoo dhaqaale ka qaada Kooxahaan Dhalinyarada ah isla markaasna ku daadiya meel ka fog xeebaha Dalka Yemen, ila hadda ma jiraan Dadaalo ay wado Maamulka Addis abeba oo ku xaqiijinaayo in qorshe lagu xakameynaayo Dhalinyaradaan Tahriibka u tagaaya Dalka Sacuudiga

352740cookie-checkXaqiiqda Dhabta ah ee Ku Gedaaman Dhalinyarada Ethiopia ee Safarada Tahriibka ee Dhimashada Xambaarsan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com