Maxaa ka Run in Dowladda Federaalka ay Xireyso Tiro Xarumo Safaaradeed oo Aduunka ku Leedahay..

Somalia news

Kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ayaa meelmariyey Qaraar qeexaaya, in la xiro 3-ka mid ah Safaaradaha ay Somalia caalamka ku leedahay iyo in la dhimo tirada Diblumaasiinta Soomaalida ee ka howlgala Dalka Dibada, in ka badan 13-Sarkaal ayaa dib loogu yeeray iney iska soo xaadiriyaan xarunta Wasaarada, iyadoo lagu bedelay xubno kale…

Wararka ayaa sheegaya in Safaaradaha la xirayo 6-bilood gudahood ayaa kala ah.

-Safaarada Somalia ay ku lahayd Dalka Burundi oo ay Ciidamo kajoogan gudaha Dalka kuna howlgala magaca ATMIS, taas oo muujibeysa xiriirka labada Dal oo hooseeya.
-Safaaradii Somalia ee Dalka Canada oo ay Soomaali badan joogto adeegyana loo fidiyo.
-Safaarada Somalia ee Senegal.

-Halka Safaarada Syria, oo k amid ahayd Safaaradaha liiska ku jiray ayaa ugu dambeyn laga saaray.

314900cookie-checkMaxaa ka Run in Dowladda Federaalka ay Xireyso Tiro Xarumo Safaaradeed oo Aduunka ku Leedahay..