Xaqiiqda ku gedaaman Sanaada & Dharka Ciidamada ee Qeybo ka mid ay Maleeshiyaad Boobeen..

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Saanada Dharka Ciidamada ee qeyb ka mid ah gacanta u galay Maleeshiyo beeleed iyo Dad Rayid ah kuwaasoo la sheegay iney qabsadeen Gaari ka mid ah 4-Gaari oo Hubka iyo dharka Ciidamada Saaran yihiin, iyadoo Xaqiiqdii Hubka laga Iibiyay Xildhibaan Cabdullahi Kulan (Jiis) oo Degaanka ka soo jeeda…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Hubka ay Maamulkii Farmaajo si qarsoodi ah u soo iibsadeen laguna keydiyay Bakhaarada Hubka ee Ciidamada Ethiopia ee Magaalada Goday waxaana loogu tala galay in lagu hubeeyo Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee Degoomiynka Banbale, Cabud waaq iyo Gobolka Gedo, qiimihiisuna lagu qiyaasay 3-4 Millions US$, waxaana maanta lagu wadaa in Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka uu gaaro degaanada Balanbale iyo Cabud waaq si hubka loo xakameeyo loogana soo wareejiyay Gacanta Shacbiga.

Hubka & Saanada

Xuuraano la helay ayaa tilmaamay in Hubkaan ay saarnaayeen 4-Gaari, iyadoo mid ka mid ahi (Gaarigii Qoryaha sida) uu gacanta u galay Maleeshiyaad daacad u ah Jufada Madaxweynihii hore ee Farmaajo, kuwaasoo ka carooday inuu Hubka uu iibsado Xildhibaan Cabdullahi Kulane, wuxuuna ka iibsaday Cabdullahi Cali Adoon & Liidan Axmed Xasan (Shuluq) oo ka wada wakiil ah Xasan Sheekh ayna gaarigii ugu horeeyay taayarada iyo Matoorka ka rasaaseeyaan.

Wararka ayaa sheegaya in Hubkaan la qorsheeyay in lagu hubeeyo Xoogaga Degaanada Ceel dheer, Galcad, Masagawaa iyo degaanada ku xeeran, inkastoo warar kale ay sheegayaan in lagu keydin lahaa Xerada Ciidamada Danab ee Magaalada Gaalkacyo, Maamulka Galmudug ayaa ku baraarugay kana war helay boobka baraha bulshada.

Cunaqabateynta la Fududeeyay & Dhibaatada laga Dhaxli karo

Inkastoo bishii December 2023-dii Golaha Amaanka uu fududeeyay inta badan Cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Somalia, iyadoo sababaha loo fududeeyay ayaa waxaa ka mid ahaa in Somalia ay fursad u hesho in Dagaalka Kooxaha Argagixisada kaga adkaato, dhacdadaan ayaa waxey muujineysaa in Dowlada Ethiopia iney faraha kula jirto khalkhal gelinta Amniga Somalia.

335980cookie-checkXaqiiqda ku gedaaman Sanaada & Dharka Ciidamada ee Qeybo ka mid ay Maleeshiyaad Boobeen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com