USA Oo Xayiraad Saaray Horjogayaal Shababka Ka Tirsan

Somalia news

Daraasad sanadkii 2018, ay soo diyaariyeen Hey’adda Jamestown Foundation ayaa lagu qeexay qeyb ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka Ee lagu Magacaabo Jaysh Ayman, iney yihiin kuwa ugu halista badan uguna tababarka fiican…

Maamulka Washington ayaa liiska argagixisada ku biiriyay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Faracaan Xilka ah oo ay leeyihiin Kooxda Shababka, kaasoo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaayeen weerarkii bishii Janaayo ka dhacay saldhig ku yaala duleedka Magaalada Lamu (Camp Simba Kenya), oo lagu dilay Hal askari oo Mareykan ah iyo 2-Qandaraaslayaal ah oo u dhashay USA.

Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay Macallin Ayman oo ah hoggaamiyaha ciidanka Jaysh Ayman, iyo sidoo kale Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, oo maamula qeybta qaraxyada iyo warbaahinta, ay ku dartay liiska caalamiga ah ee argagixisada.

“Haddii ay hanti u taallo Mareykanka iyo haddii kaleba, cunaqabateenada waa ciqaab adag oo ku adkeyneysa shaqsiyaadka ama ururada lagu daray liiska inay lacago isaga gudbiyaan nidaamka maaliyadda ee caalamiga ah,” waxaa sidaas yiri Nathan Sales oo ah isu-duwaha ka hor-tagga argagixisanimada ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Sales waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka kale kala shaqeeneyso sidii Al-Shabaab loogu adeegsan lahaa dhammaan quwadaha iyo kheyraadka qaran.

73090cookie-checkUSA Oo Xayiraad Saaray Horjogayaal Shababka Ka Tirsan