Xeeladaha Cusub Ee Xod-Xodashada Shabaabka..

Politics

Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka ayaa boorka ka jaftay naqshad cusub oo ay ku soo xero galineyso Dhalinyarada Kenya, si ay qeyb uga noqdaan dagaalada ay ka wadaan gudaha dalkaasi…

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com in quudinta Dhalinta niyad jabtay ee shaqo la’aanta la degtay, shaqaaleysiintooda iyo maalgelinta tababarada kubada cagta ah ee bugta ah, ayaa lagu tilmaamay iney ka mid tahay xeeladaha cusub, waxaana la diiwaangeliyay kiisas cusub oo isku mid ah lana xiriirta qaababka loo maraayo marin habaabinta Dhalinyarada Kenya.

Dhalinyarada ayaa inta badan la sheegay iney ku biiristooda Kooxaha argagixisada ka rajeeyaan si ay uga baxaan busaarada iyo shaqo la’aanta, Dhalinyaradaan ayaa sheegay iney qaarkood la geeyay goobo ku yaal konfurta Somalia, si loo siiyo tababaro la xiriira dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Waalidiinta Kenya ayaa walaac ka muujiyay Ilmahooda oo laba dhax dhexdooda ay dhuuni ka raadiyeen (Kenya vs Shabaabka), iyo tirada sii kordheysa ee ku biiraya Kooxda Shabaabka, waxeyna ugu baaqeen Maamulka Uhuruu iney la tacaalaan xaalada halista ah ee ay ku sugan yihiin Caruurtooda.

Labadii bilood ee sanadkaan 2020 ayeey Kooxda Shabaabka waxey Sare u qaadeen Howlgalada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waxey fuliyeen 16-howgal, iyagoo ku dilay 20-ruux, waxeyna hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gadiidka ee degaanada Lamu-Gaarisa-Mandheera.

19790cookie-checkXeeladaha Cusub Ee Xod-Xodashada Shabaabka..