Xerada Xalane Oo Tiro Bukaano Ah Laga Helay Cudurka Caabuqa

Politics

Wararka hordhaca ah ayaa in Sagaal xubnood oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda dalka Uganda, ayaa ku jira xaalad karantiil ah kadib markii ay noqdeen askartii ugu dhowayd ee xidhiidka la sameeyay asakri laga helay cudurka oo jooga Muqdisho, halka 3-Shaqaale ah Xafiisyada EU-da laga helay…

Habeenimadii Arbacada, taliska ciiidanka difaaca Uganda ee UPDF ayaa xaqiijiyay in askar katirsan Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM laga helay COVID-19 laguna daweynayo Muqdisho,Sida uu sheegayo ku xigeenka Afhayeenka UPDF Lt Col Deo Akiiki, waxaa la hayaa talaabooyin lagu qaadayo saldhigyadooda si loo xakameeyo faafitaanka viruska.

Dhanka kale, Danjire Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Bukaannada lagu go’doomiyey goob caafimaad, kuwa ay la soo xiriireenna wuxuu sheegay in sidoo kale la karantiilay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shaqaalaha ururada iyo hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgalla laga helo cudurka Coronavirus. 

Taliska AMISOM ayaa guud ahaan xiray xerada ciidamada Uganda ee uu ka howlgalayay askariga laga helay covid19 iyo kuwa hadda la karantiilay.

31380cookie-checkXerada Xalane Oo Tiro Bukaano Ah Laga Helay Cudurka Caabuqa