Maxaa Xiligaan Keenay Korarka Aqoonyahannada & Macalimiinta ku Biiraaya Kooxda Argagixisada Shababka…

Somalia news

Macluumaad welwel xambaarsan ayaa daaha ka roogaaya in bilihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen tirada Aqoonyahaano, Suugaanley, Curiyayaal iyo Macalimiin oo ka soo jeeda degaanada Waqooyiga Somalia kuwaasoo biiraayaan Kooxda Argagixisada Shababka, isla markaasna iska xaadiriyay Degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in ilaa tiro badan oo kasoo jeeda Degaanada Somaliland, iskuguna jira Aqoonyahanno, Macallimiin Jasmacadeed, Curiyayaal Suugaan, Xubno Arday/Dhalinyaro horey uga tirsanaa Bahda Waxbarashada ee Somaliland ayaa ku biiray kooxaha Argagixiso 2-dii todobaad ee lasoo dhaafay, waxayna gaareen Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnahaan ayaa ku kala sugnaa Magaalooyinka Boorame, Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa la sheegay iney xoojinayaan Xilalka Muhiimka ah ee kooxda oo Sanadihii ugu dambeeyay ay gabaabsi ka noqdeen, iyadoo balanqaadyo dhaqaale iyo Xilal loo sameeyay kale, Waxaana hormuud u ahaa Horjoogaha Aadan Suune oo Masaajid ku yaal magaalada Hargeysa Fatwooyinka ka soo saari jiray & Abwaanada Maxamuud Jeesto iyo Nageeye Cali Khaliif Xilal ka hayay Jaamacada Ummada ee Magaalada Mogadishu.

Ku darsoo Abdirisak Mohamed oo Macalin ka ahaa Jaamacada Camuud kana soo jeeda Gobolka Awdal ayaa isna Jilib iska xaadiriyay, wuxuuna ku biiray kooxda Burcad-diimeedka hubeysan ee Shababka, Shaqsigaan oo waayihiisii Waxbarashada ka qalin jabiyay Jamacad ku taala Dalka Ethiopia (Haramaya Univeristy), iyadoo kharashka ka bixisay Hey’adda FAO oo Deeqda soo dhex marisay Waxbarashada Somalia, ayaa haatan u xuub siibtay Argagaxiso.

322790cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Korarka Aqoonyahannada & Macalimiinta ku Biiraaya Kooxda Argagixisada Shababka…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *