Xiisad ka Dhalatay Qaad Lagu Gubay Guricel

Politics

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi laga dareemayo xiisad ka dhalatay qaad lagu gubay Saldhiga Boliiska Guriceel…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xoogaga amaanka ay qabteen qaadkan oo si aan sharci ahayn uu magaalada ku soo geliyay nin uu dhalay Gudoomiyihii Dhaqanka ee Beesha Cayr/Habargidir, Allaha u naxariistee Nabadoon Cartan Sheekhdoon.

Talaabadaana ayaa horseeday in xiisado ka dhashaan, kadib markii madaxa Saldhigga Boliska Guriceel, Daahir Faarax Axmed uu sii daayay Eedeysane oo ay isu jufo hoose yihiin oo qaad soo geliyay Guriceel, halka uu soo qabtay qaadkii kale ee Eedeysanahaan uu lahaa.

Magaalada Guriceel iyo guud ahaanba magaalooyinka kale ee Gobolada Konfurta iyo ilaa Waqooyiga Somalia ayaa qaadka looga mamnuucay amar ka soo baxay Dowladda, si looga hortaggo faafitaanka cudursidaha Coronavirus. 

Hase ahaatee tallaabadan cid gooni ah lagu beegsaday ayuu horseed Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kaga noqday Taliye Daahir Faarax, Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo in dhacdadan ay isu dhac beeleed ka abuurto Magaalada Guriceel, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo.

Mr.Daahir ayaa ku heyb ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana xilkan loo soo magacaabay, mudada uu xilka ku magacaaban yahay Wasiir Sabriye.

Tani waxay ku soo aadaysa, xilli uu horey muran uga taagnaa, iyadoo beesha Wasiir Sabriye ay isu wada qaadatay Taliyaha Saldhiga Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida ee Guriceel, tiiyoo loo aaneynayo inuu sababteedu lahaa Wasiirka.

26330cookie-checkXiisad ka Dhalatay Qaad Lagu Gubay Guricel