Dagaal Ka Dhacay Duleedka Dayniile

Politics

Waxaa saakay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocadiisa kala duwan ka duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu dhax maray Kooxo kala Taageersan Maamulada Garasbaaley iyo Kan Dayniile….

Dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Beco oo katirsan degmada Dayniile, wuxuuna dhax maray Kooxo kala taageersan Maamulada kor ku xusan, kuwaasoo isku heysta Goof ku yaal halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare ku dhawaad 5-qof oo u badnaa dhinacyada dagaalmaya ayaa ku dhintay, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo labada dhinaca kala gaaray, lamana oga in khasaaro uu dagaalkan kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Ciidamada dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya goobta ay ku dagaalameen, waxaana socda dadaalo ay wadaan saraakiil katirsan ciidanads oo lagu qaboojinayo dagaalka xoogan ee dhax maray labada Kooxood.

37270cookie-checkDagaal Ka Dhacay Duleedka Dayniile