Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Xadka..

Politics

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo Isugu jira Boliis iyo Kuwa Mileteriga ah oo dheeraad ah geysay Magaalada Mandheera xilli halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa Ciidanka Jubaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Warbaahinta Kenya ayaa baahiyay in Ciidamo gaaraya 30 oo ka tirsan Jubaland ay galeen Saldhig ay Ciidanka Cirka Kenya ku leeyihiin Mandheera.

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa warbaahinta gudaha Kenya qoreysaa in ay taageerayaan Ciidamada Jubaland kuwaas oo Balad Xaawo shalay kula dagaallamay Ciidamada dowladda federaalka ah.

Isbitaalka Magaalada Mandheera   ayaa la geeyay 10 qof oo dhaawac ah kuwaas oo  lix ka mid ah ay yihiin dadka rayidka ah halka afarta kale lagu sheegay Ciidamada Jubaland ee dagaalka ku jiray.

Dhaqtar ka mid ah kuwa degaanka ayaa sheegay in loo keenay Askar dhaawac ah kuwaas oo uusan kala saari karin in ay yihiin Ciidanka Jubaland, iyo kuwa Kenya.

Waxaa uu sheegay in Dadka loo geeyay ay ka mid tahay gabar lix jir ah oo uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka shalay ka dhacay Mandheera.Charles Owino, oo u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in Ciidanka Kenya heegan la geliyay si ay ugu diyaar garoobaan haddii uu weerar uga yimaado dhinaca Balad Xaawo.

20040cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Xadka..