Naftii-Halige isku Qarxiyay Kuliyada Ciidamada ee Magaalada Mogadishu..

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa fal is-qarxin ah oo khasaaraha isugu jira dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay kaasoo saaka ka dhex dhacay xero Ciidan oo ku taala gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga…

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayay ay Ciidamadu saameynayeen gaado-ka-ciyaar, isla-markaana ay ku jireen saf dhaadheer, iyadoo Qaraxu ahaa mid xoogan waxaana lagu soo warramayaa inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha u galay xerada Kuliyadda Jaaliyadda Siyaad oo ku taalla degmad Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaan uu fuliyay ruuxa naftii haligaha ah, waxaana goobta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada askarta uu dhexgalay Ismiidaamiyaha, kuwaasoo loo qaaday xarumaha Caafimaadka Muqdisho.

Ciidamada ku sugnaa Xarunta ayaa ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba.

268010cookie-checkNaftii-Halige isku Qarxiyay Kuliyada Ciidamada ee Magaalada Mogadishu..