Xiisado U Dhaxeeya Ethiopia iyo Jabuuti..

Politics

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxaayay xiisado iyo Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti kuwaasoo salka ku haya Amaanka iyo Badeecooyinka ka soo dega Dekada Jabuuti..

Abuubakar Cumar Xadiye Madaxa Marsooyinka Jabuuti ayaa ka hadlay eedeyn kaga timid sirdoonka Ethiopia oo la xiriirta in konteynaro hub ah ay qabteen laga soo deijiyay Dekedda dalkaas.

Xadiye waxa uu sheegay in aysan qaadeyn mas’uuliyadda hubkaas la qabtay, sababta waxa uu ku sheegay muddo labadaas kunteenar ay yaalleen Dekedda Jabuuti, kadib markii laga shubay lacagaha canshuurta ah ee ku waajibtay ay fasaxeen.

Wuxuu intaasi raaciyay in Saraakiisha Dowladda Ethiopia iney Dowladda Jabuuti Culeys ku daartoe sidii loo fududeynta lahaa isu socodka badeecadaha Marka maraakiibta iyo doomaha ay kusoo xirtaan Marsada Jabuuti, loona dedejin lahaa.

Maalin waliba waxa uu sheegay in ay gudbaan boqolaal kunteenar oo badeecado geeya Ethiopia, balse aysan heyn lambarka aqoonsiga labada kunteenar ee hubka waday ee ay sheegeen sirdoonka in ay qabteen.

Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Itoobiya (NISS) ayaa 11-kii bishaan sheegtay in ay qabteen Hubkaan oo si sharci darro ah looga keenay Turkiga, isla markaana laga soo dejiyay Dekedda Jabuuti, laguna qabtay Gudaha Ethiopia.

22070cookie-checkXiisado U Dhaxeeya Ethiopia iyo Jabuuti..