Siyaasada Weerarka & Muruq-Muujinta ku dhisan Ee Ethiopia & Habacsanaanta Hogaanka Villa Somalia

Somalia news

Soomaali badan ayaa yaqiinsan in bilowga xiriirka Hogaanka cusub ee Villa Somalia iyo Maamulka Addis Ababa ayaan ku bilaaban wanaag, waxaana muuqato loo arko bilowga colaad siyaasadeed iyo kala fogaasho, talaabadaan ayaa horseeday in dagaal siyaasaadeedkaan aan la ogaan doonin halka uu biyahiisu ku hoori doonaan…

Sideedaba, Diblomaasiyadda waa geed nugul oo hinaasid ku dhisan, Xumaashaha xiriirka Imaaradka wuxuu ka dambeeyay u jalecidda dhanka Qadar, Waxgarad badan oo Soomaali ah ayaa qabaan in Ethiopia ay qoonsatay safarada qaarkood oo weheshaday ragaadidda booqashadeeda oo laga hormariyay Kenya & Egypt oo ay kala dhexayso tartan sida saameyn daran loogu yeelan lahaa Siyaasada Somalia.

Ilaa hadda Villa Somalia Dagaal siyaasadeedka kala dhaxeeyay Maamulka Abiy ayeey u muuqataa iney kaga jawaabeyso xiligaan ”Aamusnaan”, balse “Lafa Geri iyagaa la isku jebshaa” Saraakiisha sare ee Ciidamada Ethiopia ay safaro muruq muujin & xodxodasho ah ku kala bixiyeen Magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne, Hargeysa, Gedo iyo Safarkii ugu dambeeyey oo ay shalay ku soo gaareen Garoowe ay tahey fariimo cabsi gelin ah oo toos ugu socota Xasan Sheekh.

Kulamadaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhinacyadaan ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah Xasiloonida, Nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto Maamulka cusub ee Villa Somalia oo ay Ethiopianku u arkaan iney la safteen Egypt.

Guuldarrada ugu horeysay ee dhanka xoojinta amaanka ayaa la sheegay in VilIa Somalia dusha saarsatay, kadib markii ay ka gaabisay iney ilaaliso Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda kilinka Soomaalida Ethiopia oo martiqaad rasmi ah u fidisay, iyadoo habaca amaanka ka muuqta ay ka faa’iideysteen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada kuna xasuuqeen Hoteelka Xayaat, wuxuuna falkaasi ku reebay Hogaanka Villa Somalia uur ku taalo & mahadho boog ku noqota Siyaasada kaligiis duulka ah ee Madaxweynaha Somalia.

209060cookie-checkSiyaasada Weerarka & Muruq-Muujinta ku dhisan Ee Ethiopia & Habacsanaanta Hogaanka Villa Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

2 thoughts on “Siyaasada Weerarka & Muruq-Muujinta ku dhisan Ee Ethiopia & Habacsanaanta Hogaanka Villa Somalia

  1. Talo walaal oo degaanka ah:- Dagaal dhinacyo badan la iskuma furo hadii aadan dul qaadkeed laheyn, Kaligii siyaasi damiin ah oo aan wac ka baran 4-tii sano Ee hore, hadii aadan la imaanin siyaasad lagu jiheynaayo Maamulada Dalka waxaa dib ugu noqon doontaa raadkaagii Fashilka Ee hore.

  2. Waa adduun dheg dameer dulsaaran, ma ahayn in Maamulada Gobolada ay toos xiriir ula yeeshaan Ethiopia, runtii waa ayaan darro in Masiirka Dalka iyo Dadka la hoos geeyo Dalal Shisheeye oo la maciinsato, Waa iska xaal Soomaali Sanadahaan ay Siyaasiyiin Danley ah u soo kaceen.

Comments are closed.