Xildhibaan Iyo Sarkaal Suuq Madow Ku Dagaalay..

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga ayaa si bareer ah Hoteelka SYL ee Muqdisho ugu feeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Golaha Shacabka..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Xildhibaanka iyo Sarkaalka uu u dhaxeeyay Khilaaf xoogan oo muddo soo jiitamaayay, kaasoo salka ku haya muran ka dhashay Bac ay ku jraan Dhagax Dahab ah oo laga soo qaaday degmada Ceel Cali ee gobalka Hiiraan, taasoo la keenay Muqdisho.

Sarkaalka Feeray Xildhibaanka ayaa ku dooday in Jeesow uu doonayo in dhagaxn dahabka ah oo ay hadda dowladda gacanta ku hayso uu qaato, isagoo adeegsanaya magaca gobalka uu ka soo jeedo maadaama halkaas laga helay dhagaxa taasina ay tahay midda keentay in Xildhibaanka lagu feero Hoteelka SYL .

Xogo ayaa tilmaamaya in Dhagaxan lagu murunsan yahay ay u geeroyoodeen ku dhawaad laba qof, Kadib markii dadka deggan Ceel cali y si farsameysan dhagaxaantaan lagu Mursal yahay ugu soo dhaceen koox ka tirsan  Shabaabka.

18480cookie-checkXildhibaan Iyo Sarkaal Suuq Madow Ku Dagaalay..