Xildhibaan Ka Digay Ciidamo Beeleedyada Laga Buuxiyay Madaxtooyada..

Politics

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Mr. Farmaajo uu amray in la bedelo Ciidankii Ilaaladda Madaxtooyadda, islamarkaana lagu badalay Ciidamo laga keenay gobolka Gedo….

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidankii Ilaaladda Madaxtooyadda oo ahaa 600 hadda laga dhigay 1,600 oo askari , islamarkaana ay yihiin Ciidan cusub oo aan aheyn kuwii loogu tala galay ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Isagoo intaasi raaciyay in Mr.Farmaajo iyo Agaasimaha NISA ay qorteen Ciidamo gaar ah oo lagu soo tababaray dalka Eritrea, islamarkaana dhawaan ay soo gaari doonaan Muqdisho.

“sbuucyada nagu soo aadan waxaa dalka dib loogu soo celin doonaa Ciidamadii Eritereeya lagu tababaray ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabad Sugida sida gaarka ah u qorteen. Cidamadaas ayaa la geyn doonaa sida ilo xog ogaal ah ii sheegeen baraha koontaroolada magaalada Mogadishu laga soo galo si ciidamada militariga ee duurka loo bixiyay looga mamnuuco in ay magaalada dib ugu soo laabtaan” ayuu Xildhibaanka.

Waxaa uu xusay in U jeedada Ciidankii Ilaaladda Madaxtooyadda loo badalay oo ay tahay qorshe Madaxweynaha uu ku doonaayo in uu kusii dheereysto Xilka uu hadda haayo.

22240cookie-checkXildhibaan Ka Digay Ciidamo Beeleedyada Laga Buuxiyay Madaxtooyada..