Madaxweynaha Serbia Oo Sheegay in 9-Dal kala noqdeen Aqoonsigii Gobolka Kosovo..

World

Waxaa soo shaac baxaaya in Maamulka Villa Somalia ay ka noqdeen Aqoonsi ay horey u fidiyeen Dowlada iyo Dalka Kosovo oo kadib markii culeysyo ay saareen Mareykanka iyo EU-da, go’aankaan ayaa soo baxay kadib markii uu Wasiirka Arrimaha Dibeda Safar shaqo ku tagay Dalka Serbia…

Wararka ayaa sheegaya in Somalia ay ka mid tahay 9-Dal oo Aqoonsigii kala noqday Gobolka Kosovo, sida laga doo xigtay maalintii Arbacadii Madaxweynaha Serbia, “Dadaalada Diblomaasiyadeed ee aanu wadno waa kuwo miro dhal, laakiin sida adduunka wax u jiraan, ilaa 106 Dal ma aqoonsana madaxbannaanida Kosovo. Sagaal ka mid ah waxay kala noqdeen aqoonsigoodii: Somalia, Burkina Faso, Gabon, Eswatini, Libya, Guinea, Antigua iyo Barbuda, Saint Lucia, Maldives,” ayuu yiri Aleksandar Vucic.

Gobolka Kosovo, oo ay u badan yihiin Dadka Albania ka soo jeeda, ayaa ku dhawaqay iney ka go’een Dalka Serbia 1999 waxayna ku dhawaaqday madaxbannaani 2008, Waxay ku haminaysaa inay xubin ka noqoto Midowga Yurub waxayna ujeedadeedu tahay inay hesho nidaamka fiisaha bilaashka ah ee aagga EU.

261680cookie-checkMadaxweynaha Serbia Oo Sheegay in 9-Dal kala noqdeen Aqoonsigii Gobolka Kosovo..