Xildhibaan Si Maldahan U Weeraray Salaad Cali Jeelle

Politics

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu si maldahan uga hadlay waxa sababay in Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale oo Hawiye ah loogu dhabar jebiyo marka ay soo hadlaan Madaxweynayaashii hore Ee Somalia….

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA

Mar kasta oo Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay Xukuumadda dhaliilaan ama Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyaan arrimo jawaab uga baahan, waxaa si halhaleel ah ugu jawaaba siyaasiin ay isku hayb yihiin sida Salaad Cali Jeelle iyo kuwo kale.

Marka waxaan iswaydiiyay waxaani dheef ka badan ee maxaa ku qasbaya siyaasiintaas in ay alalaas iyo ammaan ka daba sidaan Madaxweyne Farmaajo, walaalahoodna maalin walba la daba joogaan ceebeyn iyo canbaareyn aan loo meel dayin?!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “habeenkii waxaa kortagga fogeeya qofkii og in waagu beryayo” kolley annaga ayaa qabashadiina leh ee walaaloyaaloow wax iskula hara oo haldoorkiinana hadimada iyo haadaamaha aad ku tuuraysaan ka daaya. WAANA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON.

35880cookie-checkXildhibaan Si Maldahan U Weeraray Salaad Cali Jeelle