Xildhibaano Ku Gacan seyray Go’aanka Mursal

Somalia news

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa naqdiyay Qoraal uu xalay soo saaray Gudoomiyaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Mursal kaasoo uu uga joojiyay muddo 5-Kulan ah ineysan Xildhibaanadaan ka soo qeyb geli karin Kulamada Baarlamaanka, iyadoo uu faray Ilaalada Madaxtooyada iney ka celiyaan Xildhibaanadaan…

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Liiska ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Bulshada ku sheegay “Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda”.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka soo muuqday Liiska ayaa sheegay “Horta wax nagala mamnuucay ma jiraan, Dabcan waan aragnay Qoraalka uu soo saaray Gudoomiyihii Hore, waxaana kala shaqeeyay labadiisa kuxigeen, laakin ma ahan warqad macno sameyneysa oo annaga naga joojineyso Howlaha iyo kalfadhiyada”.

Wuxuuna Gudoomiyaha ku Eedeeyay inuu ka shaqrynaayo sidii loo fashilin lahaa shirka lagu wado inuu dhex maro Dowladda Federaalka (Xilgaarsiinta) iyo Maamulada Gobolada, si uu marmarsiinyo ugu helo muddo kororsi ay heshiis ku yihiin isaga iyo Farmaajo, wuxuuna hadalkiisa ku daray “ Sac Bakhtiyay ayeey rabaan iney caano ka maalaan”.

Xildhibaanadaan ayaa ku Eedeeyay Dowladda aysan magacaabin “balse dhowaan soo galay Somalia iyagoo macaash raadis ah” markii ay muddo sanooyinwah ka maqnaayeen, waxeyna sheegeen iney fududeynayaan (Dowladda China) sidii Dalka nidaam diktatooriyad dhidibada loogu taagi lahaa, iyagoo ugu baaqay iney faraha kala baxaan Arrimaha gudaha Ee Somalia

Hon. Mahad Salad

105590cookie-checkXildhibaano Ku Gacan seyray Go’aanka Mursal