Qoraal uu soo saaray shalay Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kaga mamnuucay 20-Xildhibaan oo tirsan Golaha Shacabka inay soo xaadiraan Kulamada sababo amni awgeed fadhiyada Golaha Shacabka kadib markii qalalaasi joogto noqday lagu eedeeyay iney ka dambeeyaan..
Gudoomiyaha ayaa farsy Habdhowraha Golaha Shacabka in uu ka joojiyo xubnaha Xildhibaanada magacyadooda hoos ku xusan yihiin ka qayb galka fadhiyada Golaha Shacabka, illaa Guddiga Xeer-Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay ka soo saarayaan go’aankooda Anshaxmarineed oo waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.


Qoraalka ayaa lagu xusay “Aniga oo xeerinaya qodobada kala ah; 14aad, 16aad iyo 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo qeexaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka masuuliyad ka saarantahay fulinta iyo dhowrista Xeer-hoosaadka Golaha, iyo ilaalinta nidaamka, habsami u socodka howlaha sida sharci-dejinta, maamulka iyo hab-maamuuska Golaha.” Ayuu ku yiri qoraalka uusoo saaray.