Gabadh Soomaaliyeed oo Lagu Afduubtay Dalka South Africa

Africa News Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegay in Qoys Ganacsato Soomaaliyeed oo ku nool Western Cape ee Dalka South Africa laga afduubtay Gabadh ay dhaleen oo 17-sano jir ah, todobaadkii tagay, dhacdadaan ayaa sii kordhisay walaaca amni ee dalkaasi ka qabaaan Dadka Shisheeyaha ah ee ka Ganacsada Dalkaasi…

Warbixino uu Boliiska siiyay Abaheed ayuu ku sheegay in Dukaankiisa Ganacsi hortiisa laga afduubtay, isagana loogu hanjabay dil, waxaana la sheegay in Burcadu ay weydisteen Madax furasho dhan 35, 132 US$ una dhiganta 600.000 R, hadii uu ka baaqsada ay dili doonaan Gabadhiisa, wuxuuna ka codsaday Hey’adaha Amaanka iney gacan ja siiyaan siideynta Gabadhiisa.

Kooxaha Burcadda hubeysan ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxey bartilmaameed ka dhigteen Muwaadiniinka ka soo jeeda Dalalka Bangladesh, Pakistan, China, India iyo Somalia, iyadoo bishii tagtay Boliiska ay ku guuleysteen iney soo furtaan Gabar 8-sano jir ah (Abira Dekhta), xili ay ka soo baxday Dugsi waxbarasho.

227880cookie-checkGabadh Soomaaliyeed oo Lagu Afduubtay Dalka South Africa