Xisbiyada Gacan-ku-Rismiska Iyo Horjoogayaasha

Politics

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in qorshe balaaran oo laga diyaariyay Villa Somalia isla markaasna laga maalgeliya ayaa xaqiijin ayaa in Tiro badan oo xibiyada ka diiwaan Gashan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka ay yihiin kuwo macmal ah….

Daraasadaan ayaa muujineysa in Xisbiyada qaarkood uu xiriir wada shaqeyn iyo Isbaheysi kala dhaxeeyo Maamulka Villa Somalia.

Faahfaahin kooban qaab ka ay u howl galaan Xisbiyada hoostaga Xoogaga Wadanyiinta .

  1. Xisbi ka diiwaan gashan GMDQ balse uu hogaamiyo Mas’uul ku shaqeeysta magaca xisbiga si uu uhelo xoogaa dhaqaalo Joogto ah laga siiyo Madaxtooyada.
  2. Xisbiyo ka diiwaan gashan GMDQ balse lagu jaan gooyo xisbi qabiil aanan laheyn qorshe laakiin loogu talagalay in lagula dagaalo xisbiyada mucaaradka.
  3. Xisbi weli Madaxda DFS kor u hayaan lana rabo in lagu dhawaaqo dhawaan balse dhowr jeer u baaqday khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha.

Inta ay socotay diyaarinta iyo abaabulka qaab dhismeedka Xoogaga Wadaniyiinta gudaha dalka Soomaaliya waxey diiwaangalisay  Xisbiyo Farabadan oo hoostaga sidoo kale waxeey xiriir wadashaqeyn la yeelatay  Xisbiyo aay hogaamiyaan masuuliyiin calooshood u shaqeystayaal ah.

Xisbiga 1aad .  Waxaa Hogaamiyo Mr. Ali Mohamed Geedi  malahan qorshe iyo istaraatiijid fog ,  Xisbiga malahan shaqaale usoo shaqo taga, wuxuuna Dhaqaale 10.000 US$ ka qaataa Madaxtooyada bil kasta, wuxuu ku qaraabtaa wax kasto xisbiga kusaabsan laabtobkiisa, Sidoo kale Mr.Ali Mohamed Geedi wuxuu xiligaan u sheqeeya farac ka mid Xafiiska UN ee Somalia, Su’aashs isweydiinta mudan ayaa ah Mas’uul doonaya inuu utartamo kursiga madaxtinimada Qaranka hadana waqtigii doorashada ay dhawdahay suura gal ma tahay inuu xafiiska UN muqdisho kanoqdo shaqaale mushaari ah.

waxaa kaloo ka mid ah Xubnahaan hoosta ku xusan:-

-Salaad Cali Jelle

-Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

31280cookie-checkXisbiyada Gacan-ku-Rismiska Iyo Horjoogayaasha