Xogta Qandasaarka Garoonka Diyaaradaha Baraawe…

Politics

Waxaa si aad ah loo hadal hayaa furitaanka Garoonka Diyaaradaha Baraawe kaasoo ay sheegtay Xukuumadda RW Kheyre iney ku baxday adduun dhan $4.3 Milyan oo US$ taasoo dhalisay dood oo Shacbiga horey uga qabeen musuqmaasuqa iyo Eexda uu Caanka ku yahay Maamulka Farmaajo..

Baaris iyo dabagal dheer kadib ayaa Diinah.com ku ogaaday in dhismaha garoonka diyaaradaha qandaraas lagu siiyay shirkad ay si wadajir ah u leeyihiin laba wiil oo la dhashay Marwada Madaxweynaha Saynab Macallin iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

4.3dii malyan la sheegaayay in Airport Baraawe JBM lagu dhisay, waa kan gurigan marwada madaxweynaha Farmaajo dabaqan cusub kaga dhisatay Nairobi Kenya oo aan welina aan la degin.

Qandaraaska dhismaha ayaa waxaa bixiyay Maamulka Koofur Galbeed waxaana la siiyay shirkad dhismaha ay wadajirka u leeyihiin Axmed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) iyo Cumar Faaruuq Macallin.

Labadan shaqsi ee la siiyay Qandaraaska ayaanan tegin magaalada Baraawe maalin qura, waxaana ay qandaraas kusiiyeen dhismaha Garoonka Nin Ganacsade ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Oo ka soo jeeda Beesha Murusade.

21600cookie-checkXogta Qandasaarka Garoonka Diyaaradaha Baraawe…