Xoogaga Amaanka Oo La Eedeeyay

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya  falal isugu jira jirdil iyo hanjabaado Loo geystay wariyayaal, kuwaasoo ay ku kaceen Xoogaga sidda gaarka ah u tababaran ee Boliiska ‘Haramcad’ xili ay ku guda jireen howlahooda wariyenimo…..

Wararka ayaa sheegaya in Falka ayaa ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee degmada Hodan, iyadoo. Waxaana dhibkaasi Loo geystay saxafiyiintaasi oo kala ah Mr.C/naasir Cabdiraxmaan Maxamuud, Mr.Cabdikariin Ciise Cadaawe iyo Mrss.Faadumo Cabduqaadir Xasan oo ka howlgala Warbaahinta Shabelle, ayna xiligaasi shaqo kasoo laabteen xilliga jirdilka lagula kacay.

Jidilka ayaa la sheegay inay saxafiyiinta u geysteen saddex askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda oo u gacan qaaday saddexda weriye, iyagoo aan weydiin aqoonsigiisa shaqo, iyadoo saxafiyiinta ay ka mid yihiin dadka aanu qabaneynin bandowga habeenkii lagu soo rogay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Shabelle ayaa sheegtay in ciidamadda dowladda federaalka ay maalmihii ugu dambeeyay kula kacayeen wariyeyaasha madaxa bannaan ee ka howlgala caasimadda.

28980cookie-checkXoogaga Amaanka Oo La Eedeeyay