Madaxweynaha Dalka Djibouti oo Howlan Qabanqaabinta Kulan ay Yeeshaan Xasan Sheekh & M.Biixi

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa in Madaxweynaha Dalka Djibouti uu maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa sidii uu u kulan siin lahaa Madaxweynaha Diwkada Federaalka iyo Horjoogaha Maamulka Hargeysa (Muuse Biixi), kulankaan ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo dhawaan…

Ilo wareedyo madax banaan ayaa u sheegay Warsidahaan in Muuse Biixi uu aqbalay ka qeyb galka Kulankaan oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Djibouti, isagoo aad u soo dhaweeyay Magacabista Ergeyga ay Madaxtooyada Somalia u soo magacaawday Wada hadalada Somalia & Somaliland.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabisay sidii loo joojin lahaa Xasuuqa iyo barakicinta ay Maleeshiyaadka Maamulka Hargeysa ka wadaan Magaalada Laas caanood, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay iney dhinac la safan yihiin oo kulamo ugu qabtaan Caasimada.

Qabanqaabada Kukankaan ayaa imaanaya xilli 3-Bilood ay duqeyn aan loo meel dayin lagu burburinaayo Dhismayaasha Magaalada Laas caanood, ku darsoo Dhaawacyada Labada daraf ee ku dagaalamaaya magaalada ayaa la sheegay in Dowladda Federaalka u soo qaaday Isbitaalada Magaalada Mogadishu halka Bukaanada qaarkood loo diyaarinaayo in loo qaado Isbitaalada Dalka Dibadiisa.

249990cookie-checkMadaxweynaha Dalka Djibouti oo Howlan Qabanqaabinta Kulan ay Yeeshaan Xasan Sheekh & M.Biixi