Xoogaga Hey’adda PSF oo Howlgal Amni ka Fuliyay Magaalada & Diyaaradihii dib u Bilaabay Duulimaadyadii Boosaso..

Security Somalia news

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeya Maamulka Deni & Hogaanka Hey’adda PSF kuna aadan kadib markii 11-Askari oo dhaawacyo kala duwan qaba uu Maamulka Garoonka hor istaagay in loo qaado Isbitaalo ku yaal Mogadishu iyo Dalka Dibadiisa si loogu soi daweeyo…

Xiisadaan ayaa horseeday in Hogaanka Hey’adda ay digniino Amni ka soo saaraan Garoonka Diyaaradaha & Dekada Magaalada isla matkaasna xirmaan muddo kooban, balse Dedaalo ay sameeyeen Odayaasha Dhaqanka ayaa ku guuleystay in xiisadaha la qaboojiyo oo dib loo howlgeliyo Garoonka Diyaaradaha, iyadoo Maamulka Deni uu eedeyn u jeediyay Hogaanka Hey’adda.

Dhanka kale Ciidamada Puntland ee PSF ayaa xalay magaalada Boosaaso ka fuliyay howlgalo baro kontorool oo lagu sugayo amniga magaalada, waxaa kaloo ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaalada qaarkood, Muuqaal ay ku baahiyeen barhooda Bulshada ayeey ku muujiyeen in baabuurta qoryuhu ku rakiban yihiin iyo ciidamo ku dhex lugaynaya Xaafadaha magaaladda Boosaaso.

Howlgalkan ayaa daba socda kadib maalintii shalay uu telefishanka Maamulka Puntland ee Puntland TV uu baahiyay Xoogag hubeysan sheegtay inay kaa soo goosteen PSF kuwasoo uu waraysanayay mid ka mid ah qab-qablayaasha caanka ka ah baraha bulshada isla markaasna Maamulka Deni Dhaqaalaha ku siiyo si uu u buunbuuniyo.

343540cookie-checkXoogaga Hey’adda PSF oo Howlgal Amni ka Fuliyay Magaalada & Diyaaradihii dib u Bilaabay Duulimaadyadii Boosaso..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *