Xarumo Wasaaradeed Oo Cabsi Amni Loo Xiray

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news, u xaqiijiyay in Wasaaradood oo Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa lagu wargeliyay Shaqaalaha ka howlgala iney Guryahooda joogaan kadib markii ay soo shaac baxday weerar qorsheysan oo la diyaariyay in lagu beegsado….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta wasaaradahaasi iyo madaxda xarumaha kale ee aagaas ku yaala lagu wargeliyay iney Shaqaalahooda fasaxaan ilaa amar dambe, sidoo kalane Wasiirada ayaa lagu wargeliyay iney yareeyaan tagista xafiisyada, haddii laga maarmi karana aan la tagin ilaa war sugan ay helayaan.

Wasaaradaha shaqaalahooda la fasaxay ayaa kala ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku dhow Isgoyska Banaadir, Wasaaradda Qorsheynta oo u taal Zoobe, Wasaaradda Waxbarashada oo ka soo horjeeda Isgoeyska Zoobe, Wasaaradda Beeraha oo ku taala agagaarka CID-da, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka qeybta gurmadka deg dega ah oo ku taala Harkaha iyo Saamaha kana soo horjeeda Xarunta Baarista CID, balse si ku meel gaar ah shaqadeeda loo raray Xarunta Xalane iyo xafiisyo kale oo muhiim ah.

Xogo amaan Ayaa tilmaamaya in lagu wargeliyay Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta wasaaradaha in la helay xog timaameysa in Kooxda Shabaabka ay qorsheeyeen weeraro ku qaadaan mid ka mid ah xarumahaasi, sidaas darteedna la fasaxayo shaqaalaha Dowladda, si loo yareeyo waxyeelada Qaraxyada.

95380cookie-checkXarumo Wasaaradeed Oo Cabsi Amni Loo Xiray