Xoogaga Hubeysan Jubbaland ee Ku Biiraya Ciidamada Dowlada Federaalka sii Kordheysa..

Security Somalia news

Iyadoo Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowlada Federaalka uu gaaray heerkii ugu hooseeyay ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Xoogaga Hubeysan ee ka goosanaaya Maamulka Jubbaland ay sii kordhayaan, maanta ayaa Ciidamo ka baxsaday Jubbaland ku biiray Ciidamada ku sugan Raskambooni…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan ka tirsana Jubbaland ee maanta ku biiray kuwa Xoogga Dalka ayaa Degaanka Raaskambooni ku gaaray ilaa 4-Doomood, waxaana soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Saraakiisha & Ciidamada Dowladda Fedaraalka ee dhawaan la geeyay degaankaasi, sida lagu xusay qoraal kasoo baxay Dowladda Fedaraalka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Fedaraalka ay geysay deegaanka Raas kambooni ciidamo lagu daabulay diyaarado oo laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo markii ay tageen deegaankaas ciidanka dowladda kusoo biirayay ciidamo ka tirsanaa kuwa Jubbaland.

351640cookie-checkXoogaga Hubeysan Jubbaland ee Ku Biiraya Ciidamada Dowlada Federaalka sii Kordheysa..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *