Xoogaga Suufiyada Oo Dib Loo Howlgeliyay si ay u Xoojiyaan Dagaalka…

Security Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka rogeysa abaabul dib u howgelin uu si xowli ah uga socdo degaano ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug Xoogaga Ahlu sunnah oo horey uga xoreeyay Degaanaadasi kooxda Argagixisada Shababka…

Wararka ayaa sheegaya in Hogaamiyihii Kooxdaasi Sheekh Axmed Shaakir iyo Hogaamiyaha Ciidamada Dowlada Federaalka Yuusuf Odawaa Raage ay ka wada hadleen si loo hirgelin lahaa qorshaha dib u howlgelinta Xoogaga Suufiyada, iyadoo Dowlada Federaalka ay balanqaaday iney Saadka iyo sahayda ka taageeri doonto inkastoo Hogaanka Maamulka Galmudug uu aad uga soo horjeedo.

Sheekh Shaakir ayaa hadalkaan u sheegay wareysi uu siiyay TV ga maxaliga ah ee SMS, waxaana uuna carab ku adkeeyay in Xoogagw Ahlu Sunna la diyaariyay ayna ku biiri doonaan jiidaha hore ee dagaalka si ay u caawiyaan ciidanka Qaranka.

Dawaaqa Sheekh Maxamed Shaakir ayaa imaanaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay hadal hayn badan oo qabsatay baraha Bulshada kaa oo ahaa in Ahlu Sunna dib ay isku abaabuleyso si ay ugu biirto dagaalka lagula jiro Shabaabka.

365210cookie-checkXoogaga Suufiyada Oo Dib Loo Howlgeliyay si ay u Xoojiyaan Dagaalka…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *