Dagaal Khaasare Dhimasho Geystay & Barakac Laga Dareemay Degaanada Oog-Ceynaba..

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay ka dhacay degaanka Buq-Dharkeyn, wuxuuna u dhaxeeyay Xoogaga SSC iyo kuwa Somaliland, iyadoo uu geystay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyadaan..

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 13-Qof ay ku geeriyoodeen dagaal beeleedka dhaawacan ay jiraan balse lama oga inta uu la’eg yahay kuwaasoo loo kala qaaday Magaalooyinka Burco iyo Laas caanood, iyadoo la sheegay in tiro Maxaabiis ah iyo Gaadiid dagaal la kala qabsaday uu ku jiro Sarkaal ka soo jeeda Somaliland oo dhaawac ah magaciisa lagu sheegay Feysal.

Degaannada Oog iyo Ceeldhaab ayaa sida wararku sheegayaan barakac ka bilowday gelinkii dambe ee shalay kadib dagaalka ka soo cusboonaaday galbeedka Sool, Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in magaalada Caynaba laga dareemay barakac oo ay jiraan shacab uga baxay dhanka waqooyi si ay uga fogaadaan saamaynta dagaalka.

286580cookie-checkDagaal Khaasare Dhimasho Geystay & Barakac Laga Dareemay Degaanada Oog-Ceynaba..