Xoogaga Xuutiyiinta Yemen oo soo ridey Drone-tii 16-aad ee MQ-9…

Security U.S. World

Sida ay shaaciyeen bayaan ay soo saareen Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Yemen aywey ku dhawaaqeen inay soo rideen diyaaradii Drone-ka Mareykanka ah oo nooceedu yahay kuwa sahanka ee MQ-9, taasoo dul mareysay gobolka Ma’rib, waana tii 16-aad ee aan duuliyaha laheyn ee uu dalkaasi soo rido tan iyo 7-dii October 2023-kii…

Bayaanka ayaa lagu xusay:- “Anagoo ka aargoosanayna duulaanka Mareykanka ee ka dhanka ah dalkeena, difaacyada cirka ayaa si guul ah u soo riday diyaarad aan duuliye lahayn ee MQ-9 Reaper ah, xilli ay howlo cadaawad ah ka waddey hawada Gobolka Ma’rib, iyadoo adeegsaneysa gantaal maxalli ah oo ku haboon,” Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xoogaga difaaca Yemen.

“Tani waa tii lix iyo tobnaad ee aan duuliyaha lahayn ee difaacyada hawadeenu ay si guul ah u soo rideen intii lagu jiray intuu uu socdey dagaalka iska caabinta ee Gaza,” Ayaa lagu yiri markale warka ciidanka Yemen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka “saacdihii lasoo dhaafay ay qaadeen tiro duqeymo kala duwan ah, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, ciidamada Yemena waa sii wadi doonaan difaaca dhulkooda iyo Falastiin.”

366050cookie-checkXoogaga Xuutiyiinta Yemen oo soo ridey Drone-tii 16-aad ee MQ-9…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *