Amaro Adag Oo Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo Dul-dhigay Masaajida

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in Guddiga Amniga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyio ayaa soo saaray awaamiir ka kooban 6 qodob, kuwaasoo ku socda Maamulada Masaajidada ku yaala magaalada, xilli ay dib uga bilowdeen dilalka haldoorka loo geysanayo…

Qoraal ka soo baxday Guddiga Amniga ayaa lagu amray masaajidada Waqooyiga Gaalkacyo in lagu xiro kaamirooyin 7 maalmood gudahood, iyo ilaalo loo sameeyo masjid kasta, Sidoo kale Guddiga ayaa amray in lagu xiro masaajidada hortooda layrarka ifka waa weyn iyo in khudbadaha jimcaha looga hadlo argagixisada.

Go’aanada Guddiga Amnig ayaa kusoo aadaya xilli habeen kahor lagu dilay afaafka hore ee masjidka Ramadaan oo ku yaalla dhabarka dambe ee saldhiga dhexe ee Gaalkacyo, kuna dhagan Hotel Al-Jazeera Nabaddoon Cabdi Dheere oo kamid ah waxgaradka gobalka Mudug.

246690cookie-checkAmaro Adag Oo Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo Dul-dhigay Masaajida