Kaalin Noocee Ah ayuu Farmaajo Ku yeelan Doonaa Heshiiska Doorashada

Somalia news

Iyadoo maalinta berito lagu wado in Teendhada Afisioni lagu saxiixo fulinta Heshiiska Doorashada, iyadoo ay ka soo wada qeyb geli doonaan Dhamaan Saamileyda Siyaasada, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Ururada Bulshada Rayidka, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday…

Waxaana lagu guda jiraa qabanqaabada xaflada, iyadoo Wakiilada Dowladda la sheegay ineysan isla meel dhigeen Han-maamuska iyo khudbadaha sida loo kala lahaan doono, Wararka Ayaa sheegaya in Farmaajo uu lahaan doono khudbada gunaanadka xaflada, iyadoo Wasiirka 1-aad uu yeelan doono Saxiixa Heshiiska iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Muddo ka badan sanad ayuu Khilaafkaan Doorashada soo jiitamaayay, waxaana sabab u ahaa Farmaajo oo jid iyo jiho u diiday in la gaaro Doorashada dadban oo heshiis lagu wada yahay, waxaana laga rajo qabaa inuu aqbali doono Heshiiskaan, iyadoo uu sii shaqeyn doonto Golaha wada tashiga Qaran ee Doorashada uuna hogaamin doono Rooble.

121130cookie-checkKaalin Noocee Ah ayuu Farmaajo Ku yeelan Doonaa Heshiiska Doorashada