Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo Calaacal & Eedeyn xoogan u Jeediyay Dowlada Federaalka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khudbad uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland u jeediyay Shaqaalaha Wasaarada ayaa Hadalo calaacal iyo eedeyn u badan u jeediyay Dowladda Federaalka, isagoo si cad u qeexaya in Villa Somalia MW fadhiyaa u muujiyay Maamuulka & Reerka Puntland colaad hoose oo dhaafsiisan Siyaasada lagu kala aragti duwan yahay…

Wasiir Juxaa ayaa sheegay in Mashaariicdii horumarinta iyo adeega Bulshada lagu kabi jiray ay Hogaanka Dowladda Federaalka u adeegsatay Siyaasad oo ku hor istaagtay Qalinkii Dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuu intaasi raaciyay in hadalkiisu uu daaran yahay in nacfiga iyo qiyamku kala weyn yihiin oo aan la noqon Dad Cuno oo waayuhu badali karaan.


Qeylo dhaanta Wasiir Juxaa ayaa yimid kadib markii aad u xumaaday Xiriirkii wada shaqeyn ee u dhaxeeyay Maamulka Saciid Dani iyo Villa Somalia, khilaafkaan ayaa Dad badani aamisan yihiin inuu salkaku hayo arrimo shaqsi ah iyo Xilal magacaabis, waxeyna ku reexday in Mr.Dani uu taageero weydisto Madaxweynihii hore Mr.Farmaajo oo todobaadkaan ku wajahan magaalada Garoowe.
315410cookie-checkWasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo Calaacal & Eedeyn xoogan u Jeediyay Dowlada Federaalka..