Shababka Oo Weeraray Degaan hoos Taga Dhuusa mareeb

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad daacad u ah Kooxda argagixisada Shababka ay fiidkii xalay weerar kedis ah ku qaadeen deegaanka Xaayow oo ka tirsan degmadaasi….

Waxeyna sheegayaan in weerarkaasi ay ku dileen saddex ka mid ah koox iskeed isu abaabushay oo dadka deegaanka ah, Sidoo kale weerarkaasi ayaa waxaa dhaawacyo ay ka soo gaareen qaar ka mid ah dadka ku nool Degaanka Xaayow.

Ciidamo ka tirsan kuwa Qeybta 21-aad ayaa waxa ay gaareen Degaanka Xaayow halkaasoo ay ka sameynayaan howlgalo ka dhan ah Kooxda weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa imanaya xilli dhowaan ay Ciidamada Weybta 21-aad ku dhawaaqeen inay ka sifeynayaan Kooxda Shababka guud ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

121180cookie-checkShababka Oo Weeraray Degaan hoos Taga Dhuusa mareeb