Farmaajo Oo Qandaraas Siiyay Shaqsiyaad Ku Heyb Ah

Politics

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro lagu naas-nuujinaayo Xubno ku qoys ah Mr.Farmaajo, iyadoo Xubnahaan la siiyay Qandaraas la xariira nadaafadda gobolka Banaadir, Waxaana Shacbiga la faray cidii fulin weysa amaradaas lagu ganaaxi doono lacag dhan $10….

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka, isla markaana uu warbaahinta u akhriyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa lagu socodsiiyey dhamaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo inta badan waaxyaha kala duwan ee maamulka gobolka ayaa lagu war geliyey in uu bilaabanayo barnaamij loogu magac daray dardar gelinta nadaafadda magaalada Muqdisho.

Qoraalkaan kasoo baxday maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in nadaafad xumo baahsan ay ka jirto gobolka Banaadir, taasoo sida lagu xusay warbixinta maamulka gobolka wax badan u dhimeysa bilicda magaalada, isla markaana keeni karta halis soo wajahda bulshada ku nool, sida cudurrada faafa.

Wareegtadan ayaa dadka reer Muqdisho lagu faray in qof kasta uu gurigiisa hortiisa saaro Intar loog ama dhagacda is-gasha, sidoo kalena ay soo celiyaan bilicda guryaha iyo goobahooda ganacsi, si loo muujiyo bilicda caasimadda Muqdisho, iyadoo cidii aan fulin uu sheegay maamulka gobolku in uu qaban doono ganaax lacageed oo dhan 10 dollar.

Haddaba Diinah.com aya ogaatay in shirkadda lagu qasbayo shacabka Muqdisho in ay lacag ku bixiyaan si qashinka looga qaado ay leeyihiin Cabdirisaaq Ibraahim & Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire, labada nin aya waxaa ay ku heyb yihiin Mr.Farmajo kaasoo bixiyay amarka in lagu wareejiyo shirkaddooda qaadista qashinka laguna qasbo shacabka Muqdisho in ay u hoggaansamaan amarkaas.

Shirkaddan aya la rabaa in gurigiiba ay ka qaado lacag dhan $3 doollar bishii, taaso ka dhigeysa daqliga shirkaddan soo gala bishii lagu qiyaasay celcelis $4-million oo doollar.

Dowladda Hoose ee Muqdisho aya canshuur ka qaadda guryaha iyo ganacsiga magaaalada, waana waajib saaran maamulka gobolka Banaadir in ay qashinka si lacag la’aan ah uga qaadaan magaalada, balse waxaa dadka lagu qasbayaa iyadoo la qancinaayo Mr.Farmaajo shaqsiyaad ay isku heyb yihiin in lagu qasbo in guri walba uu bixiyo $3 doollar oo qasab ah, xiligaan kala guurka ah.

32620cookie-checkFarmaajo Oo Qandaraas Siiyay Shaqsiyaad Ku Heyb Ah