Maamulka Farmaajo Oo U Nuglaaday Cadaadiska Oromada

Politics

Maamulka Villa Somalia ayaa ka daba-tagay oo diiday qaraarkii ay horay u taageertay ee Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Ethiopia qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Nile..

Maamulka Abiy oo aad uga ka Carooday tallaabadaas, ayaa waxey horseeday iney qoraal Canaan ah u soo dirto Maamulka Farmaajo, si ay sharaxaad uga bixiso Dhacdadaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa caddeeyay in Jabuuti iyo Somalia ku lug lahaayeen gudbinta qaraarka, balse aanay aaminsaneyn in qaraarkaasi kaalin wanaagsan ka ciyaari karo inuu nabadgelyo u horseedo gobolka.

Dowladda Somalia ayaa markii dambe ka daba-tagtay oo qoraal u dirtay Jaamacadda Carabta, iyadoo ku cadeysay inay ka gaabsatay qaraarkaas, kaddib cadaadis uga yimid Addis, sida ka muuqata qoraalka Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta oo la qoray.

Dhanka Kale Maamulka Farmaajo ayaa Shacbiga ka qariyay in Wafdi ka socda Dalka Egypt oo uu Hogaaminaayay Wasii Kuxigeenka Arrimaha Dibada Dalka Egypt Mr.Abuubakar Al-Xifni uu Axadii la soo dhaafay safar shaqo oo aan la shaacin ku yimid Magaalada Muqdisho.

Safarka Mr.Xifni ayaa daaranaa khilaafka Wabiga Biyaha Nile ee dalalka Ethiopia iyo Masar, Wafdiga ayaa si gaar ah ula kulmay Mr.Farmaajo oo ay ka codsadeen iney ku taageeraan qadiyadooda Biyaha Nile, inkastoo ay Maamulka Farmaajo taageeradii kala noqdeen markii ay Ciidamada Ethiopia ay Garoonka Diyaaradaha ee Doolow xoog uga saareen Ciidamada Gorgor, una cadeeyay ergada Masaarida Iney dhexdhexaad ka yihiin.

Go’aanka lagu taageeraayo Qadiyada Egypt ayaa waxaa u Codeeyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada ee Somalia Mr.Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi oo qaraabo hoose la’ah Adeege Fahad Madaxa NISA.

Maamulka Farmaajo ayaa saaxiib dhow la ah Maamulka Oromada ee Addis Abeba, kaasoo lagu eedeeyo inuu qeyb ka yahay fara gelinta Ciidan ee Villa Somalia ku heyso Gobolka Gedo iyo degaano kale, taasoo horseeday in colaado beeleedyo Dib uga curtaan.

23720cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo U Nuglaaday Cadaadiska Oromada