Degdeg:-Shaqo Joojin lagu Sameeyay Xisaabiyaha Guud & Agaasimaha Dakhliga Gudaha..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayuu Shaqo ka joojin degdeg ah ku sameeyay Xisaabiyaga Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyada, iyadoo Olole is-muujin ah uu Wado Maamulka Xasan Gurguurte..

Qoraalka ayaa lagu xusay inShaqo ka joojinta ay la xiriirta amar diido, wada shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS, waxaana la sheegay in lagala tashtay Madaxtooyada inta aan la soo saarin Qoraalka hoos ku xusan.

Sidoo kale waxaa hakad galay bixinta lacagaha kaalmada Deeq bixiyeyaasha ku deeqeen ee qaar ka mid ah loogu tala galay in loo wareejiyo dowladda Somalia iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo Bishasn Dowladda Federaalka ka baaqsaty iney Gunooyinka Shaqaalaha bixiyaan.

264550cookie-checkDegdeg:-Shaqo Joojin lagu Sameeyay Xisaabiyaha Guud & Agaasimaha Dakhliga Gudaha..