Warbixino laga helay Wasaarada Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa sheegaya in Muwaadin u dhashay Dalka Tanzania balse degan Magaalada Cabo Delgado ee Dalka Mozambique ay magaciisa lagu sheegay Abuu Yasir Hassan alias Abuu Qaasim iyo shirkadiisa ISIS Mozambique la saaray Cunaqabateyn xagga safarada iyo xayiraad dhaqaale….
Wararka ayaa sheegaya in Wadaadkaan lagu Eedeeyay inuu xubin firfircon ka yahay Kooxda argagixisada Daacishta Africada Bari, isagoo sidoo kale la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Kooxda ku howlgasha magaca Daacishta Dalka Mozambique Ee gaaska Hodonka ku ah.
Dowladda Tanzania iyo saraakiisheeda Amaanka ayaa la sheegay ineysan weli soo gaarin warbixino la xiriira Go’aanka USA, waxey sheegeen iney baaris iyo dabagal ku sameyn doonaan si loo xaqiijiyo Sharciyada macluumaadka la xiriira Muwaadinka iyo xiriirka kala dhaxeeya kooxaha Argagixisada ee ka howl gala Dalka Mozambique.
Dalka Mozambique ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka howlgalaayay Kooxaha argagixisada Shababka Iyo Daacishta, waxeyna si gaar ah uga uga howlgalaan Gobolka ay ka socdaan mashaariicda horumarinta gaar ahaan Degaanada laga soo saaro Shidaalka iyo Gaaska.