Khilaaf & Muran Xoogan oo soo kala Dhex galay Maamulka & Madax Dhaqameedka SSC..

Somalia news

Kadib markii Xoogaga Hubeysan ee Waqooyiga Somalia looga itaal roonaaday Gacan ku heynta Degaanada Gobolka Sool isla markaasna dhidibada loo taagay Maamul ay qeybaha degaanka ku mideysan yihiin aaa waxaa soo shaac baxaaya khilaaf iyo muran xoogan oo u dhaxeeya Maamlka iyo Garaadada…

Iyadoo dhawaan hadal uu jeediyay Garaad Cabdullahi Garaad Soofe taarikhdu markey aheyd (29/2/2024) ka jeediyay Magaalada Laascaanood ayaa wuxuu abuuray shaki weyn oo ku saabsan wada shaqaynta Siyaasiyiinta Maamulka iyo madax-dhaqameedka, Hadalka Odeygaan ayaa salka ku haya Saami qeybsigii & ka qeyb qaadashada Doorashada Puntland iyo Xilalkii laga siiyay Golaha Maamulka cusub ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka SSC aan lagala tashan Doorashada iyo qeybsiga Xilalka Maamulka Puntland, iyadoo sidoo kale hadalka Garaadka uu muuqaday inuu soohdinta SSC-Kaatumo iyo Somaliland ku soo koobay Goojacadde, Bil ka hor Garaad Soofe wuxuu sheegay in Jamaahiirtu u malaynayaan in laga cabsanayo, Waxaa muuqata inuusan jirin xad uusan dhaafin karin Garaad kasta marka siyaasadda laga hadlay, Inuu Garaad Soofe ugu baaqo Somaliland inaysan weerar soo qaadin waa hadal meel-ka-dhac ku ah Shacbiga SSC-Khaatumo oo had iyo jeer diyaar u ah inay naftooda, sharaftooda iyo maalkooda difaacaan.

Dadka Degaanka ayaa Hogaanka SSC (Firdhiye) kula taliyay inuu xakameeyo madaxdhaqameedka SSC oo qaarkood u muuqda inay loollan kula jiraan Hogaanka SSC-Khaatumo, iyadoo sidoo kale Odayaasha Dhaqanka lagula taliyay iney joojiyaan fara gelinta joogtada ay ku hayaan Maamulka.

311790cookie-checkKhilaaf & Muran Xoogan oo soo kala Dhex galay Maamulka & Madax Dhaqameedka SSC..