Wasiir Arrimo Dibadeedka Turkiga Oo Mogadishu Ku wajahan

Somalia news

Ilo wareedyo Diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in dhowaan uu magaalada Mogadishu uu safar Shaqo ku imaan doono Wasiirka Arrimaha Dibeda Ee Dowladda Turkiga Mr.Mevlut Cavusoglu, isagoo la sheegay inuu ka qeyb qaadan doono sidii Xal looga gaari lahaa Khilaafka Doorashada iyo Qodobada kale Ee ay isku Hayaan Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkiga uu sidoo kale waan waan ka dhex bilaabi doono Xiisada Dacwada Badda Ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya oo Dhageysiga Dacwada Barito loo balansan yahay in la qaado, Wasiirka ayaa la sheegay muddada uu ju sugan yahay Magaalada Mogadishu wuxuu Kulamo uu la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Midowga Musharixiinta.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Wasiirka inta uu joogo Caasimadda wuxuu Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday kala hadli doonaa sidii loo yareen lahaa Isticmaalka Ciidamada Uu Turkiga tababaray, Hubka Saanada uu ky deeqday Dowladda Turkiga inta lagu jiro xiligaan kala guurka ah, iyadoo Dowladda Ankara ay cadaadis kala kulmeen Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Siyaasiyiinta Soomaalida.

Maamulka Ankara oo 4-tii sano ee u dambeysay gacan saar dhow la laheyd Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa u aragta xulufo muhiim ah, waxeyna rajeynayaan in joogitaankooda a as y ku sii balaarshaan ku lug lahaanshaha Siyaasada dalka iyo xal u helida is mari waaga haatan ka taagan Doorashada heerka Federaal Ee Dalka.

101580cookie-checkWasiir Arrimo Dibadeedka Turkiga Oo Mogadishu Ku wajahan