Maxkamada ICJ Oo Mudeysay Gunaanadka Dacwada Badda

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Maxkamada Cadaalada Aduunka (ICJ) oo wakhti kama dambeys ah u qabatay gunaanadka Kiiska Dacwada Badda Ee u dhaxeeya Somalia & Kenya, kadib markii qoraal ay soo gaarsiiyeen Qareenada Kenya iyagoo caddeeyay ineysan dib ugu laaban doonin iney ka qeyb qaataan Dacwada…

Wararka ayaa sheegaya in Maalinta berito wakhtiga Magaalada Hague abaaraha 15,00 Galabnimo ayaa lagu wadaa iney Xeer-beegta Maxkamada qaadeysa dacwada dhageysan doonto gunaanadka dhinaca. Qareenada Somalia, kadib markii ay gebi ahaan ay Dowladda Kenya ay Diiday iney ka qeyb gasho soona gudbiso caddeymaha la xiriira sheegashadeeda Xeebaha Somalia.

Maxkamada ayaa ku gacan seyrtay codsi ka yimid Qareenada Kenya, iyagoo mar kale dalbaday in 12-bilood dib loo dhigo dawcada sababo ay ku sheegeen Cudurka caabuqa iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay Misaaniyada ay ugu talo gashay Dawcada dhinacyo kale u weecisay.

Maxkamada ayaa lagu wadaa iney Go’aankeeda soo saarto muddo 4-7 bilood gudahood, waxeyna u badan tahay qiyaastii in Dalka Somalia ay ku guuleysato, iyadoo mudnaanta guushaasi 100% ay yeelan doonto Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhiiraday inuu dacwada horgeeyo Maxkamada Cadaalada Aduunka (ICJ).

102390cookie-checkMaxkamada ICJ Oo Mudeysay Gunaanadka Dacwada Badda