Degaanada Shababka Maamulaan Oo Covid-19 Ku Faafaaya

Somalia news

Warbixino Caafimaad ayaa muujinaaya in Degaanada ay ka talinayaan u Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay Bukaano badani ugu geeriyoonayaan cudurka Covid-19, halka tiro kale uu soo ritay xilli degaanadaasi aanay ka jirin xarumo caafimaad iyo Wacyi gelin oo lagula tacaalo dadka qaba Covid19…..

Wararka aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayan, in degaano katirsan gobolada Shabeellooyinka, Jubooyinka Bay, Bakool iyo Gobolada Dhexe ay ka jirto xaalad Caafimaad darro oo culus isla markaasna aad ugu faahfaahin cudurka Coronavirus ah.

Sidoo kale, magaalada Ceel buur ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in dad ku dhow 10-Qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19, Horjoogayaasha Kooxda ayaa sheegay iney soo saareen fariimo caafimaad iyo wacyi gelin, waxeyna Dadka kula taliyeen sida looga badbaadi karo faafida Cudurka, iyadoo loo sheegay iney afka ku xirtaan maryo.

Inkastoo Kooxda Shabaabka ay aad u ilaaliyaan xogta cudurka, hadana waxaa jira dad qaba oo caafimaad u soo raadsada Degaanada ay dowladda ka taliso sida magaalooyinka laga heli karo adeegga Caafimaad Ee Cudurka Covid-19, Sanadkii hore, wakaalado caalami ah ayaa qoray in Horjoogayaal ka tirsanaa Kooxda Shababka ay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, taasoo markii dambe keentay iney si dhab ah u qaataan khatarta cudurka.

102420cookie-checkDegaanada Shababka Maamulaan Oo Covid-19 Ku Faafaaya