Qeylo Dhaan Laga Soo Saaray Nadaafada & Caafimaadka Mogadishu

Somalia news

Waxaa qeylo Dhaan laga soo saaray Xaalada Caafimaad iyo nadaafad Ee Magaalada Mogadishu, iyadoo Heerkii ugu adkaa uguna xumaa ayey gaarsiisan tahay nadaafad darrada ka jirta Muqdisho…

Qeylo dhaantaan oo ay dirayaan Canshuur bixiyaasha Muqdisho, ayaa ku wajahan Xubnaha ugu sarreeya maamulka gobalka Banaadir ayaa la sheegayaa iney yihiin murashaxiin Senator iyo Xildhibaan waxaana muuqata inay ka mashquuleen Howlihii loo igmaday.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa xusul duub ugu jira sidii uu u noqon lahaa Senator, (Kursiga Xaaji Muuse) halka Basma Caamir, Cali Yare (Kursiga Mahad Salaad) iyo Guddoomiyaha maaliyada Mr Caana-boore ayaa iyagana raadinaya kuraasta Golaha Shacabka ee BFS.

Yaa u maqan Muqdisho?

130220cookie-checkQeylo Dhaan Laga Soo Saaray Nadaafada & Caafimaadka Mogadishu