Shababka Oo Falalkoodu Dusha Jihaad Ka Ah Hoostana ka Ganacsi

Somalia news

Kooxda argagixisada Shababka ayaa tan sandakii 2000-kii waxey si aan kala joogsi laheyn weeraro qorsheysan iyo kuwo ku soo boodo ah ku qaadaayeen Xarumaha Ganacsiga, xeryaha Dowladda iyo kuwa Amisom, iyagoo sidoo kale weeraro ka fuliya Magaalooyinka waaweyn ee Somalia iyo Kenya, howlgaladaan ayaa lagu tilmamaa mid dad badan oo rayid ah lagu xasuuqay…

 Hadaba s’aashu waxay tahay ma faaiido kale oon la ogaynbaa ugu jirta Kooxdaan iney hawlgaladaan ay dhiiga ku daadinayaan, Hadii Horjoogayaasha Shababka ay isku sheegi jireen iney yihiin Urur jihaad oo u halgamaaya inuu Dalka Somalia ka dhiso Imaarad Islamic ah oo Asal raac ah, waxa hadaba sanadahan dambe soo ifbaxayey wajiga dhabta ah ee Kooxda argagixisada Shababka kaasoo ah dusha ka jihaad hoostana ka Ganacsi ku dhisan Baad cabsi gelin la socoto iyo Dil.

Runahaanti Kooxda argagixisada Shababka waxay ku nooshahay oo ay ka ganacsataa argagixisanimada, Horjoigayaasha Shabaabka waxay baad joogto ah ka qaadaan dhamaan Shirkadaha waaweyn ee dalka Somalia ka dhisan, Beeraleyda Gaadiidk Xamuulka, Ganacsatada heerka dhexe, Bacadlayaasha, Bakhaarlayda, Badeecadaha u kala gudba gobolada, Shaqaalaha Dowladda, kuwa Shirkadaha, Hay’daha, Dekadaha, Dhoofinta dhuxusha iyo Mukhaadaraadka Qaadka iyo noocyada daroogada transit-ka ah.

Warbixin ay diyaariyeen Kooxda Khubarada Amniga ee ka tirsan QM oo ay si hordhac ah u heshay Wargeyska New York Tmes ayaa muujineysa dhaqaalaha Kooxda Shabaab ay ka sameeyeen canshuuraha ay ka qaadaan Dekedaha Muqdisho, Berbera, Bosaaso, Kismaayo, Ganasiga Koofurta Somalia iyo Koontaroolo ay maamulaan, iyadoo la sheegay in dhaqalahaasi la mariyay koontooyin Bangiyo kala duwan.

Kooxdaan Ilaha dhaqaale ee dakhligu kasoo galaa kuma koobna intaas oo xitaa waxa jira Shirkado iyo meherado waaweyn oo ay iyagu leeyihiin oo dad kale ku magacaaban yihiin, kuwaasoo dhoofiya Xoolaha iyo Dalaga Beeraha, Hadaba si aan ilahaas dhaqaale u hoos u dhac ku yimaado waxay kor u qaadaan Howlgalada falalka argagixisanimada si ay dadka cabsidii ay ku beereen ugu sii hayaan.

Dhaqaalaha sanadkii soo gala Kooxda argagixisada Shababka ayaa lagu tilmaamaa in isku celcekis ahaan 800-millions US$, waxana si Dheer in khidmada afduubka laga qaado inkastoo sanadkii ugu dambeeyay uu hoos u Dhaca ku yimid, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka gaabiyay iney ka hortagaan oo burburiyaan ilaha Dhaqaalaha ee Kooxda argagixisada Shababka.

113540cookie-checkShababka Oo Falalkoodu Dusha Jihaad Ka Ah Hoostana ka Ganacsi