Maxey u Diideen Taliyayaashii Xildhibaanada u xuubsiibtay iney Dhaartaan

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in laba ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Federaalka oo u xuubsiibtay iney noqdaan Xildhibaano ayaa ka baaqsaday iney soo xaadiraan Xaflada Dhaarta ee 2-Aqal Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad Oo shalay lagu qabtay Magaalada Mogadishu…

Labadaan Sarkaal oo kala ah Taliyaha Asluubta & Agaasimaha KMG ah ee NISA ayaa xubno qabyo ah ka noqday Baarlamaanka cusub waxeyna ka soo kala galeen Degaan Doorashada Galmudug & Konfur galbeed, Saraakiishaan ayaa weli ku fadhiya xilalkoodii hore, Yasin Farey ayaa iska xaadiriyay Xarunta FIET ee Guddiyada Doorashada heer Federaal wuxuuna soo qaatay Shahaadada, isagoo ka baaqsaday inuu dhaarto.

Halka Mahad Cabdiraxman oo shalay soo gaaray Magaalada uu ka baaqsaday inuu shahaadada qaato kana qeyb galo xaflada dhaarinta Xildhibaanada waxaana lagu fasiray iney Xubnahaan daqiiqadihii ugu dambeeyay ay culeysyo kala kulmeen Farmaajo iyo Fahad.

Qofka Xildhibaanka ah looma oggola wax ka hooseeya Xilka Wasiir Federaal ah, Taliyayaashuna waxey xisaabsan yihiin derejo ka hooseysa Wasiir, taasoo ka dhigan iney luminayaan Xilalkooda, waxaana talaabadaasi cabsi ka soo food saartay Farmaajo iyo Fahad oo ku jira Maalmihii ugu dambeeyay ee guuldaradii ay ka dhaxleen Maamulkii ay majaraha u hayeen 5-tii sano ee u dambeysay.

182590cookie-checkMaxey u Diideen Taliyayaashii Xildhibaanada u xuubsiibtay iney Dhaartaan