Tiro Hoobiyeyaal ah oo Lagu Weeraray Agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra & Khasaare ka Dhashay..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Tiro Hoobiyayaal ah ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Hoobiyayaasha..

Wararka ayaa sheegay in Hoobiyayaashani ay ku dhaceen agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo Bangiga Salaam inta u dhaxeysa, iyadoo goobtaasi xiligaasi aheyd mid aad u mashquul badan oo Dadka Rayidkana ku badan yihiin, Khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen Hoobiyayaaahaasi ayaa lagu sheegay tiro dhimasho ah iyo 5-Qof oo Dhaawac ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoo ay goobtaasi ay gaareen Xoogaga ka tirsan kuwa Amaanka oo isku geedaamay goobaha ay ku dhaceen hoobiyeyaash, Suuqa ayaa shalay iyo Maanta Xirnaa kadib markii Shirkad hubeysan ay Ganacsatada ku khasbaayeen qori caaradiis iney Baad bixiyaan, waxaana ka dambeeya Xasan Gurgurte iyo Yusuf Borsani iyo Kooxaha Daacishta Somalia iyo Argagixisada Shababka.

306490cookie-checkTiro Hoobiyeyaal ah oo Lagu Weeraray Agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra & Khasaare ka Dhashay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com