Macluumaad ayaa laga helayaa Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Ee Somalia Mr.Farmaajo ayaa la sheegay inuu kireystay Shirkad galaagal iyo Saameyn ku leh Maamulka Joe Biden ee Mareykanka, si uu booqasho ugu tago Dalkaasi, si ay daabacday Wargeyska Foreignlobby.com…
Faalada Wargeyska ayaa lagu xusay in Mr.Farmaajo oo xiligaan wajahaaya cadaadis culus oo kaga imaanaya Caalamka Iyo Maamulka Joe Biden kuna saabsan is-mari waaga Doorashada wakhtigeedii la soo dhaafay, ayaa doonaya inuu kulamo la yeesho Xubno Congress-ka ka tirsan iyo inuu Saraakiisha Maamulka Biden la kulmo.
Shirkadaan uu kireystay Farmaajo ayaa lagu magacaabaa LFA Holdings waxeyna fadhigeedu tahay Magaalada New Jersey, Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Saraakiisha Safaarada Somalia Ee USA ayaa heshiis la gashay Shirkadaan bishii Maarso 22-dii ee Sanadkaan Sida ay muujinayaan dukumentiyo la la wadaagay Waaxda Cadaalada Mareykanka. taasoo uu ku saxiixan yahay Danjiraha Somalia Ee USA Mr.Cali Shariif.
Shirkaddaan ayaa Shaqada ku qabaneysa dhaqaale dhan 150,000 US$, waxaana loo xilsaaray iney Ka caawiso Safarka qorsheysan ee Farmaajo uu ku doonaayo inuu ku tago Mareykanka isla markaasna ay howlwadeenada Shirkadda ka caawiso sidii uu ula kulmi lahaa Xildhibaano Congress-ka tirsan iyo Hey’ado daraasaad (Think-tanks).
Inta la ogyahay waa markii 2-aad uu Farmaajo isku dayo inuu dhaqaale ku bixiyo sidii uu booqasho ugu tagi lahaa USA, halkaasoo uu ku noolaa ka hor inta uusan Madaxweyne ka noqon Somalia, wuxuuna dib u celiyay Dhalashadii Dalkaasi, iyadoo la sheego inuu xiriir wanaagsan la lahaa Maamulkii Trump Ee laga guuleystay.